Michael Joseph oo iska casilay xilka agaasimaha guddiga Safaricom

0
304

Waxaa xilkiisi iska casilay Michael Joseph oo ahaa agaasimaha guddiga maamulo shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom.
Tallaabada uu qaaday waxaa shaaciyay guddiga uu hoggaaminayay.
Qoraalka waxaa ku cad inuu is casilay si uu diiradda u saaro arrimo kale oo ay ka mid tahay jagada uu hadda haya ee guddoomiyaha shirkadda qaran ee duullimaadka ee Kenya Airways.
Michael Joseph ayaa soo noqday madaxii fulinta ee ugu horreeyay ee shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom wuxuuna xilal kala duwan soo qabtay tan iyo sanadkii 2000 .
Waxaa uu shirkadda Safaricom u horseeday in tirada macaamiisheeda oo ka hooseeyay 18,000 uu muddo toban sano gudaheeda ah gaarsiiyay in ka badan 17 milyan oo qof.