Meydka xildhibaankii hore Lugari oo maanta la geyn doona Kakamega iyadoo ay baaritaano socdaan

0
111

Meydka Xildhibaankii hore ee Baarlamaanka Lugari , Cyrus Jirongo, ayaa maanta oo isniin ah loo wareejin doona Lumakanda ee deegaanka Lugari, si berri halkaas loogu aaso.
Hogaamiyayaasha ayaa booliiska ugu baaqay inay si degdeg ah u baaraan shilkii waddada ee sababay geeridiisa, iyagoo sheegay in qoyska uu u qalmo caddaalad iyo jawaabo cad.
Waxay sidoo kale xuseen in Jirongo la aasi doono iyadoo la raacayo dhaqanka ee bulshada Tiriki.
Ciidamada dambi baarista ee dalka ayaa wali wada baaritaan ka dhan ah geerida xildhibaankii hore Lugari ee ismaamulka Kakamega.
Laamaha ammaanka ayaa dad badan su’aalo ka weydiyay geerida Jirongo.
Xubnaha mucaaradka ee dalka ayaa dowlada ka doonaya jawaab deg deg oo ku aadan sababtii keentay dhimashada shilkiisa.