Meydka Raila oo saaka dalka la keenaya

0
171

Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba joogta Musalia Mudavadi ayaa laga soo xigtay in diyaaradda sidda meydka Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya Raila Amolo Odinga ay abbaare 9:30 subaxnimo ee maanta ka soo caga-dhigan doonto gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi.
Waxaa uu sidatan ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Facebook-ga.
Mudavadi ayaa xusay in wafdiga dowladeed ee uu hoggaaminaya ee u safray waddanka India uu halkaasi ku tagay si nabad ah.
Wafdigan oo ay ka mid yihiin xubnaha qoyska Odinga ayaa loo xil saaray dardargelinta sidii meydka Raila loo keeni lahaa waddanka.
Musalia ayaa intaasi ku daray in meydka Raila Odinga uu guddoomi doono madaxweynaha dalka William Ruto oo ay weheliyaan qoyskii uu ka baxay iyo saraakiil sare oo dowladeed.
Intaasi ka dib, waxaa meydka la geyn doonaa xarunta baarlamaanka dalka inta u dhexeysa 12-ka duhurnimo ilaa 5-ta galabnimo si dadweynaha ay u eegaan ka hor inta aan loo wareejin goobta meydadka la dhigo ee Lee Funeral Home.