Meydka madaxii xisbiga ODM Raila Odinga oo saaka dalka la keenay ayaa la geeyay fagaaraha caalamiga ee cayaaraha ee Moi International Sports Centre ee Kasarani ee magaalada Nairobi.
Waxaa uu horay qorshuhu ahaa in meydka la geeyo xarunta baarlamaanka dalka ee bartamaha caasimadda si dadweynaha ay u eegaan ilaa 5-ta galabnimo ee maanta.
Hasa ahaate, qorshahaasi ayaa isbeddelay ka dib markii ay soo baxeen dad baroordiiqaya oo ka tiro badan sidii la filayay.