Diyaarad Milateri oo siday meydka ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga ayaa kasoo degtay garoonka caalamiga ah ee Kisumu.
Daawashada meydkiisa ayaa ka socota Mamboleo Grounds ee Kisumu.
Kumanaan qof oo doonayay in ay u baroordiiqaan Mr Odinga ayaa iminkani ka qeyb galaya daawashada meydkiisa.
Barasaabka Kisumu Anyang’ Nyong’o ayaa ku booriyay dadka deegaanka in ay dhowraan nabadda iyo sharafta si loo sharfo dhaxalka waara ee Raila, isaga oo sheegay in qalalaase kasta uu sharaf dhac u keeni doono sagootinta halyeygii ka tarjumayay dimuqraadiyadda Kenya.