Meydka abwaan Hadraawi oo maanta la aasayo

0
301

Alle ha u naxariistee waxaa Maanta lagu wadaa in khabuuro ku yaalla Magaalada Hargeysa ee caasimadda jamhuuriyadda Somaliland lagu Aaso Abwaankii waynaa ee Maxamad Ibraahim Warsame Hadraawi, kaas oo shalay ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.
War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa lagu sheegay in meydka Abwaan Hadraawi lagu Aasi doono Maanta Salaadda Casir ka dib Khabuuraha Baqiic ee Magaalada Hargeysa.
Aaska Abwaan Hadraawi ayaa waxaa ka qayb geli doona madaxda Sare ee Somaliland, Odayaasha Dhaqanka, ehelladiisa, Bahda Fanka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.
Dhammaan Madaxda Soomaalida meel kasta oo ay joogaan ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii shalay ku timid Abwaankii waynaa ee Maxamad Ibraahim Warsame Hadraawi.