Waxaa maanta baaritaanno lagu sameynaya dadkii ku nafwaayay keynta Meydadka dadkii ku dhintay Shakahola oo maanta la baaraya oo u dhow deegaanka Malindi ee ismaamulka Kilifi.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ilaa iyo hadda la helay meydadka 103 qof oo u dhintay taladii baadariga kaniisadda Good News International Paul Mackenzie ee ahayd inay cuntada iyo biyaha ka af xirtaan ilaa iyo ay geerida uga timaado.
Waxaa baaritaannada qayb ka ah in la eego hidde-sidaha DNA si loo xaqiijiyo ehellada dadka dhintay.
Dhanka kale golaha warbaahinta dalka ee MCK ayaa dowladda ugu baaqay inay wariyaasha u oggolaato inay gudaha u galaan keynta Shakahola oo shalay laga hor istaagay.