Meydadka 3 qof oo laga helay waddooyin ku yaalla magaalada Nottingham ee Ingiriiska

0
247

Ugu yaraan saddex qof ayaa meydadkooda laga helay waddooyinka magaalada Nottingham oo ku taalla bartamaha boqortooyada Ingiriiska, ka dib markii gaari uu jiiray dadkan, sida ay sheegeen booliiska Britain.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in saddex qof kale ay dhaawacyo soo gaareen.
Nin da’diisa lagu sheegay 31 sano jir ah oo dhacadadan loo xiray ayaa looga shakisan yahay inuu dilka saddexda ruux gaystay.
Eedeysanaha ayaa la sheegay in la qabtay ka dib markii uu iskudayay inuu 3 qof oo kale jiirsiiyo gaari uu watay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in markii hore bartamaha magaalada laga helay meydadka labo qof, iyadoo wax yar ka dib 4-tii subaxnimo ee saacaadda maxalliga ee wadankaasi nin kale meydkiisa laga helay waddo kale oo ka baxsan bartamaha magaalada Nottingham.
Taliyaha booliiska ee goobta falkan laga soo tabiyay, Kate Meynell ayaa sheegtay in tani ay tahay dhacdo laga argagaxo taas oo galaafatay nolosha saddex qof.
Waxaa ay sheegtay in baarayaasha ay haatan ku dadaalayaan inay ogaadaan sida dhabta ay wax u dhaceen.
Shacabka ayay sidoo kale ka codsatay inay dulqaataan inta ay baaritaanada socdaan.
Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha boqortooyada Ingiriirka Rishi Sunak ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka, saraakiisha booliiska iyo waxyaha adeegyada degdegga uga mahadceliyay sida ay dhacdadan uga falceliyeen.
Waxaa uu tacsi u diray qoysaska iyo ehellada ay ka baxeen saddexda qof ee dhintay, isagoona caafimaad u rajeeyay kuwa dhaawacmay.

Warka qodobkan la xiriira ayaa isa soo taraya wixii ku soo kordho waa idin soo gudbin doonnaa.