Meydad dheeraad ah oo laga helay webiga Yala

0
494

Waxaa lagu soo warramayaa in saddex meyd oo dheeraad ah shalay laga helay webiga Yala ee deegaan baarlamaneedka Gem oo ka tirsan ismaamulka Siaya.
Taliyaha booliska ee deegaanka Gem Charles Chacha ayaa arrintan xaqiijiyay.
Waxaa uu warbaahinta u sheegay in dad shacab ah ay meydadka heleen ka dibna ku wargeliyeen laamaha ammaanka.
Taliyaha ayaa xusay inay ka shakisan yihiin in meydadka ay yihiin kuwo biyaha socda ee roobabka culus ee da’aya ay meel kale ka soo qaadeen .