Saddex mayd oo kale ayaa laga helay tuulada Shakahola ee ismaamulka Kilifi Isniinta maanta ah taaso tirada guud ee xabaal wadareedka la helay tan iyo Jimcihii ka dhigtay 42.
Waxaa maanta wali la qodaya dhul uu leeyahay baadiriga dadka kula taliyay inay gaajo u dhintaan kaasi oo lagu magacaabo Paul Mackenzie.
Ninkan baadiriga ah waxaa uu wali ku jira gacanta booliska.
Taliyaha guud ee ciidamada Booliska dalka Japhet Koome ayaa maanta gaarey tuulada ay musiibada ka dhacday Shakahola .
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ugu yaraan 58 xabaal wadareed lagu arkay keynta Shakahola oo ka kooban 800 oo eekar oo la rumeysan yahay inuu leeyahay baadariga kaniisadda Good News International Paul Mackenzie Nthenge.
Waxaa hadda Shakahola oo ka tirsan deegaanka Malindi ku sugan saraakiisha dambi baarista oo halkaasi ka raadinaya meydad dheeraad ah sidoo kalena ku dadaalaya inay ka hor tagaan in dad kale ay gaajo u dhintaan ka dib markii uu baadariga shakhsiyaadka ku xiran kaniisadiisa uu kula taliyay inay cuntada iyo biyaha ka afxirtaan.