Maamullada dalka Mexico ayaa sheegay in 343 qof oo isugu jiro qaxooti iyo soogalooti la arkay iyagoo ku dhex jiro baabuur la iskaga tagay.
Waxaa dadkan ka mid ah 103 carruur ah oo aynan waalidiintooda wehelin.
Baabuurka oo ah nooca xamuulka ayaa la dhigay agagaarka waddo wayn.
Machadka qaran ee socdaalka ee (INM) ayaa laga soo xigtay in dhacdadan laga soo tabiyay magaalada Veracruz.
Xaaladda caafimaad ee dadka ayaa wanaagsan waxaana ilaa iyo hadda caddeyn sababta uu wadaha baabuurka uga tagay.
Carruurta badankoodu waxay ka soo jeedaan dalka Guatemala.