Friedrich Merz, hogaamiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Christian Democratic Union (CDU), ayaa ku guul daraystay isku daygiisii ahaa in uu noqdo raysalwasaarihii 10-aad ee dalka, isaga oo ka hoos maray lix cod oo kaliya wareegii koowaad ee codbixinta ee Bundestag.
Merz, oo si weyn loo saadaalinayay inuu ku guuleysan karo codadka baarlamaanka, ayaa u baahnaa 316 cod si uu ugu guuleysto codbixintii sirta ahayd ee la qabtay maanta, balse waxaa uu helay 310 cod oo keliya.
Guul daradan ayaa ayaa ka dhigan in xisbiyada siyaasadeed ay hadda dib isu abaabuli doonaan si ay uga wada hadlaan tallaabooyinka xiga.
Bundestag, aqalka hoose ee baarlamaanka Jarmalka, ayaa haysta 14 maalmood si ay u doortaan jagada raa’iisul wasaaraha. Fadhiga codaynta ee kale ayaa dhici kara Talaadada soo socota.