Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ee Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa goordhow gaaray Xarunta Teendhada Afisiiyooni, halkaas oo lagu wado in uu shir uga furmo Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada.
Shirka oo ay qaban qaabadeeda leedahay Beesha Caalamka ayaa ah mid aan rasmi ahayn.
Waxaa looga hadlayaa sidii looga hehsiin lahaa Ajandaha uu ku furmayo shirweynaha wadatashiga doorashooyinka iyo xallinta khilaafka qaar kamid ah Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada ka dhex-jira.
Wararka kale ee la helayo ayaa sheegaya in saraakiisha ka socotay dhanka Puntlaand iyo Jubbaland ay tegeen Teendhada si ay u hubiyaan fulinta heshiiska amni ee xalay lawada gaaray.
Ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa waxaa la sheegay inay sugayaan amniga Goobta uu shirka ka dhacayo, ka dib markii ay horay u dalbadeen Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.
Home Wararka Soomaaliya MD Farmaajo oo gaaray teendhada Afisiyooni & shir maanta u furmaya madaxda...