MCK oo ku baaqday in aan warbaahinta lagu cambaareyn goobaha fagaaraha ah

0
285

Golaha warbaahinta dalka ee MCK ayaa bayaan uu soo saaray waxaa uu walaac uga muujiyay hadallo ay goobaha fagaaraha ka jeediyaan mas’uuliyiinta sare ee dowladda kuwaasoo wax u dhimi karo badqabka saxafiyiinta.
Madaxa fulinta ee MCK, David Omwoyo ayaa xusay in madaxda laga doonaya in haddii ay wax ka tabanayaan warbaahinta inay adeegsadaan siyaabaha habboon.
Dhawaan ayay ahayd markii madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua uu wariyaasha kenyaanka ah ku eedeyay inay fasiraad khaldan ka bixiyaan munaasabadaha siyaasadeed.