MCK oo dalbatay in magdhow la siiyo wariyaal lagu waxyeelleyay goob lagu caweeyo

0
189

Golaha warbaahinta dalka ee MCK ayaa cambaareeyay weerar lagu qaaday wariyaal wehelinayay saraakiisha maamulka qaran ee la dagaallanka maandooriyaha ee NACADA oo howlgal ka fulinayay goobta lagu caweeyo ee Kettle House Bar ee ismaamulka Nairobi.
Howlwadeennada maamulka qaran ee NACADA iyo saraakiisha ammaanka ayaa habeenimadii ay Sabtida soo galeysay howlgal ka sameeyay goobtan waxayna si gaar ah u bartilmaameedsanayeen isticmaalka shiishadda oo dalka laga mamnuucay.
Hasa ahaate shaqaalaha NACADA iyo suxufiyiintii howlgalkaasi tabinayay ayaa waxaa weeraray ilaalada xaruntaasi.
Waxaa halkaasi ku dhaawacmay afar wariyaal iyo afar sarkaal oo ka tirsan maamulka qaran ee la dagaallanka isticmaalka maandooriyaha.
Golaha warbaahinta dalka ee MCK ayaa hadda dalbanaya in wariyaasha magdhow la siiyo maadaama qaarkood la dhaawacay oo mindi la geliyay qalabkoodana laga burburiyey.
MCK ayaa taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka ka dalbatay inuu xaqiijiyo in dacwado lagu soo oogo shakhsiyaadkii weerarka gaystay.
Golaha oo saraakiisha ammaanka uga mahadceliyay sida degdegga ah ee ay u falceliyeen ayaa sheegay in ay qasab tahay in milkiilaha goobtaasi uu wariyaasha magdhow siiyo.
Waxaa sidoo kale dhacdadaasi cambaareeyay ururka wariyaasha dalka ee (KUJ) oo ku baaqay in tallaabo adag laga qaado dambiilayaasha.
Dhanka kale madaxa dalladda tifaftirayaasha warbaahinta dalka ee KEG Zubeidah Kananu ayaa ku baaqday in baaritaan qoto dheer lagu sameeyo dhacdadaasi si loola xisaabtamo shakhsiyaadkii waxyeellada u gaystay wariyaasha .
Waxay bayaan ku sheegtay inay qalbijab tahay in fal rabshadeysan lagula kaco suxufiyiin ay shaqadoodu tahay inay dadweynaha wargeliyaan.
Waxaa hadda gacanta booliiska ku jiro 21 eedeysanayaal oo weerarkaasi lala xiriirinaya.
Sanadkii 2017-kii ayay ahayd markii ay dowladda Kenya gudaha wadanka ka mamnuucday in la soo geliyo , lagu soo saaro,lagu dhex isticmaalo , la qaybiyo ama la xayeysiiyo shiishadda.