MCK oo dalbatay in la baaro dilka wariyihii u dhashay Pakistan

0
328

Golaha warbaahinta dalka ee MCK ayaa dalbaday in baaritaano qoto dheer oo madax bannaan lagu sameeyo dilkii wariyihii u dhashay wadanka Pakistan Arshad Maxamad Shariff.
Wariyahan oo ku caan baxay sameynta barnaamijyada dabagalka ah ayaa lagu toogtay ismaamulka Kajiado.
Waaxda qaran ee adeegga booliska ee dalka ayaa sheegtay in si qalad ah loo toogtay iyadoo lagu raadjoogay baabuur la soo xaday.
Hasa ahaate MCK ayaa dowladda ugu baaqaysa inay xaqiijiso sababta keentay iyo sida loo dilay wariyaha .
Waxaa baaritaano ku aaddan dilka wariyaha sidoo kale dalbaday maamulka madaxa bannaan ee kormeera howlaha booliska ee IPOA, Ururka tifaftirayaasha dalka ee KEG,Ururka qareennada ee LSK iyo Safaaradda Pakistan ee Kenya.