MCK oo dalbatay in la baaro dilka wariye Kenyaan ah oo lagu dilay Nairobi

0
320

Golaha warbaahinta dalka ee MCK ayaa cambaareeyay dilka wariye la shaqaynayay wargeyska maxalliga ee The Standard.
MCK ayaa dalbaday in baaritaano degdeg oo madaxa bannaan lagu sameeyo dilka wariyaha.
Wariyaha la dilay oo lagu magacaabi jiray Moses Omusolo islamarkaana ku caan baxay sameynta barnaamijyada la xiriira ganacsiga, ayaa meydkiisa laga helay meel bannaan oo ku taalla waddada Kangundo ee xaafadda Kayole ee magaalada Nairobi.
Sida ay booliiska sheegeen, wariyaha ayaa waxaa ka muuqday dhaawaca madaxda ah.
Waxaa goobta fal dambiyeedka ka dhacay laga helay taleefoonkiisa gacanta iyo warqadihiisa aqoonsiga.
Golaha warbaahinta dalka ee MCK ayaa doonaya in booliiska ay baaritaanno degdeg ah ku sameeyaan dilka Omusolo, islamarkaana tallaabo sharciyeed oo habboon ka qaadaan dembiilayaasha.
Wariyaha oo ay gabadh u doonanayd ayaa qorsheynayay inuu guursado bisha Labaad ee sanadka soo socdo ee 2023-ka.
Booliiska ayaa ilaa hadda caddeyn sababta ka dambeysay dilka wariyaha.