Mbadi oo wasaaradda waxbarashadda iyo guddigga SRC ku eedeeyay shaqa joojinta barayaasha jaamacadaha ee socota

0
90

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda John Mbadi ayaa meesha ka saaray eedeeynta ah in wasaaradiisa ay mas’uul ka tahay shaqo joojinta barayaasha jaamacadaha ee socota, isagoo taa beddelkeeda farta ku fiiqay Wasaaradda Waxbarashada iyo Guddiga Mushaaraadka iyo Gunooyinka (SRC).
Isagoo ka hadlayay intii lagu guda jiray barnaamijka Citizen Weekend ee taleefishinka maxalliga ee Citizen fiidnimadii xalay ayuu Mbadi sheegay in ismariwaaga uu ka dhashay isfaham la’aan ka dhex jirta labada hay’adood, isagoo ku adkeystay in wasaaradiisa ay horay u fulisay qeyb ka mid ah heshiiskii la gaaray sanadkii hore.
Waxaa uu sharaxay in dowladda ay ixtiraamtay heshiiskii ay la gashay jaamacadaha iyadoo la fasaxay 4.3 bilyan sannadkii hore sida uu dhigayo qodobka 223, kaas oo markii dambe lagu habeeyey Miisaaniyadda Dheeraadka ah.
Wasiirka ayaa sidoo kale su’aal galiyay wakhtiga cabashada macallimiinta, isaga oo sheegay in cabashooyinka qaar ay soo jireen dhowr sano.
Mbadi ayaa si kastaba ha ahaatee, waxaa uu qiray in arrinta ay weli tahay walaac isa soo taraya, isaga oo sheegay in maamulka hadda jira ay waajib ku tahay in uu ka hor yimaado waajibaadyadii maaliyadeed ee hore isaga oo la shaqaynaya wasaaradaha ay khusayso si loo go’aamiyo waxa dhabta ah ee lagu leeyahay.