Wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha qaranka John Mbadi ayaa sheegay in isbeddel ballaaran lagu sameyn doono sanduuqa qaran ee howlgabka ee NSSF.
Waxaa uu qiray in ay jiraan shaqaalo aan rasmi ahayn oo nidaamkan ka faa’ida.
Mbadi ayaa tilmaamay in isbeddellada lagu cirib tiri doono falalka wax isdaba marinta ah si loo soo celiyo kalsoonida dadweynaha ee NSSF.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu ka soo hormuuqday aqalka sare ee dalka.