Maydka xubin ka tirsan xisbiga hoggaamiya dalka Bangladesh oo laga helay India

0
415

Waxaa magaalada Kolkata ee dalka India laga helay maydka xubin ka tirsan xisbiga haya talada wadanka Bangladesh ka dib in ka badan hal isbuuc markii siyaasigan la waayay.
Waxaa sidatan sheegay wasiirka arrimaha gudaha ee Bangladesh Asaduzzaman Khan .
13-kii bishan Shanaad ee May ayay ahayd markii dad ugu war dambeysay Anwarul Azim Anar oo ka tirsan xisbiga Awami League.
Sida ay ehelladiisa sheegeen waxay waayeen hal maalin un ka dib markii uu dalka India u tagay daryeel caafimaad.
Wasiir Khan ayaa warfidiyeennada u sheegay in kastoo uunan hadda la wadaagi karin macluumaadka oo dhameystiran maadaama ay baaritaannada socdaan , haddana in la xiray 3 qof oo u dhashay Bangladesh oo lala xiriirinaya dilka siyaasigan.
Maydka Anwarul Azim ayaa aroornimadii hore ee maanta laga dhex helay guri la cidleeyay oo ku yaalla Kolkata sida uu xaqiijiyay taliye ku xigeenka booliiska ee magaaladaasi.