Maydka Magoha oo la aasi doono 11-ka bisha dambe

0
303

Waxaa uu qorshuhu yahay in 11-ka bisha labaad ee sanadkan la aaso meydka wasiirkii hore ee waxbarashada ee dhawaan geeriyooday Prof. George Magoha.
Aaska ayaa ka dhici doono deegaanka Gem ee ismaamulka Siaya ee gobolka Nyanza.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in dowladda dhexe ay kaalin wayn ka qaadan doonto aaska wasiirkii hore ee tacliinta.