Maxkamadda Sare ayaa hakisay dhaqangelinta Guddiga Madaxtooyada ee La-dagaalanka Musuqmaasuqa (MAT-WAC), iyadoo la sugayo dhageysiga dacwad dastuuri ah oo ka dhan ah sharcinimadeeda.
Garsoore Bahati Mwamuye ayaa soo saaray amarrada ku meel gaarka ah kadib dacwad uu gudbiyay Dr. Magare Gikenyi, oo ay weheliyaan Eliud Karanja Matindi, Philemon Abuga Nyakundi, iyo Dishon Keroti Mogire.
Waxaa ayna ku doodayaan dadkii gudbiyay dacwadan in aysan dastuuri ahayn guddiga la magacaabay.
Kiiskan ayaa la dhagaysan doona 9-ka bisha Sebtember ee sanadkan.