Xeer ilaalinta guud ee dalkani Kenya ayaa maxkamada sare ee Gaarisa horgeysay lix marqaati ah si ay ugu markhaati furaan dad loo haysto inay ka dambeeyeen dilkii loo gaystay Gaala Aadan.
Dadka marag furay waxaa ka mid ah hooyada Gacala, Amina Abdi Noor, adeerkeeda Mahamud Mohamed, labo qof oo daris lahaa oo ay ka mid tahay Qurisha Ibrahim, , iyo Korneyl Lucas Musambi, oo ah sarkaalka booliiska ee baarayay dhacdadan.
Sida ay sheegtay Amina Abdi Noor, gabadheeda waxa ay dhalatay 1-dii bishii January ee sanadkii 2008, waxaana guursaday eedaysanaha koowaad ee Mohammed Kassim Tiffow, 2 bishii February ee sanadkan 2025, xili uu arooskoodu ka dhacay xerada qaxootiga ee Dhagaxley, taasoo loo qabtay hab dhaqanka Soomaalida.
Si kastaba ha ahaatee, guurka ayaa la sheegay inuu isku bedelay gacan-ka-hadal wax yar ka dib markii ay midoobeen.
Gabadha la dilay hooyadeeda ayaa maxkamada u sheegtay in gabadheeda ay soo diri jirtay qoraalo ay ku muujinayso cabsi iyo niyad jab maalmihii ka horeeyay dhimashadeeda.
Qof ka mid ah dadka deriska la ahaa Gacala Aden ayaa sheegtay in habeenkii uu falku dhacay mid ka mid ah Eedeysanayaasha uu ku wargaliyay in Tiffow ay Toorey ku dhufutay Xaaskiisa.
Markii ay gaareen goobta ayaa waxa ay banaanka guriga arkeen Tifoow oo dhaawac tooreey ah uu soo gaaray, waxaana loola cararay isbitaalka.
Markii ay soo laabteen ayey ogaadeen in gurigii ay ku jirtay gabadhii geeriyootay uu dab ka kacay.
Waxaana Gacala xiligaas jirkeeda gaaray dhaawac aad u daran iyadoo wax yar ka dib u dhimatay.
Sarkaalka baarista oo lagu magacaabo Musambi ayaa maxkamadda u sheegay in boolisku ay goobta ka heleen mindi, ayna sawireen goobta, ayna ka uruuriyeen cadeymo muhiim ah.
Waxa uu sidoo kale goob joog ka ahaa meydka intii baaritaanka lagu samaynayay 22-kii bishii Maarso, 2025, ka dibna ehelkeeda loo fasaxay si ay u aasaan.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu xaqiijiyay in dhamaan marqaatiyaasha la diiwaan geliyay, kadib baaritaano ay sameeyeen ciidamada dambi barista ee dalka DCI-da.
Mohammed Kassim Tiffow, Mussa Sheikh Ahmed, iyo Adan Mohammed Ahmed ayaa loo haystaa inay ka dambeeyeen dilka Gacala Adan oo la sheegay inuu ka dhacay ka dhacay Lolkuta, aaga Wara deegaanka Hadado, oo ka tirsan ismaamulka Wajeer.
Dhammaan saddexda eedaysane waxa ay qirteen in aanay wax dambi ah gelin iyadoo garsoore John Onyiego,uu ku sii daayay dammaanad dhan 100,000 midkiiba.
Kiiskan ayaa mar kale loo muddeeyey in la dhegeysto 4 bisha Noofambar ee sanadkan 2025.
Home Wararka Kenya Maxkmada sare ee Garissa oo maanta dhegaysatay kiiska dilkii loo gaystay Gacala...