Maxkamadda ugu sarreysa wadanka oo go’aan ka gaaraysa BBI

0
418

Garsoorayaasha maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court oo ka kooban 7 ayaa lagu wadaa inay maanta go’aan kama dambeys ah ka soo saaraan dacwado racfaan ah oo loo gudbiyay.
Dhinacyo ay ka mid yihiin madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta, madaxa xisbiga ODM Raila Odinga, guddiga doorashooyinka ee IEBC, xeer ilaaliyaha guud ee wadanka Paul Kihara Kariuki iyo xoghaynta qorshaha sharci beddelka ee BBI ayaa kiisaskan geeyay.
Waxay ka soo horjeesteen go’aamaddii maxkamadda sare iyo midda racfaanka ay ku laaleen geeddisocodka sharci beddelka ee BBI.
Go’aanka ay maanta ku dhawaaqayaan xaakiinnada ay hoggaaminayso madaxa caddaalada dalka Martha Koome ayay suurtagal tahay inuu saameyn ku yeesho mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.
Arrimaha la isku hayo waxaa ka mid ah inay jirto baahi hadda taagan oo keenaysa in la ballaariyo golaha fulinta ee dowladda.
Haddii uu qorshaha BBI meel maro waxaa dhici doonto in wadanka lagu soo kordhiyo 70 deegaan baarlamaneed oo dheeraad ah.
BBI ayaa ka dhalatay isgacan gelintii iyo heshiiskii sanadkii 2018-kii dhex maray madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga ka dib doorashadii 2017-kii oo si wayn loogu kala qaybsamay taasoo keentay in ra’iisul wasaarihii hore ee wadanka uu isku dhaariyo xilka madaxweynaha shacabka.