Maxkamadda ugu sarreysa India oo meesha ka saartay maalgelinta doorashooyinka

0
199

Maxkamadda ugu sarreysa wadanka India ayaa waxba kama jiraan ka soo qaadday hannaan maaliyadeed oo shaqeynaya muddo toddobo sano ah oo loogu talagalay arrimaha doorashooyinka.
Nidaamkan ayay maxkamaddu ku tilmaantay mid sharci darro ah oo aan waafaqsanayn dastuurka dalkaasi.
Qorshahan ayaa shakhsiyaadka iyo shirkadaha u fasaxaya in iyagoo aan la aqoonsan ay xisbiyada siyaasadeed ugu deeqaan lacago aan xaddiidnayn.
Go’aanka maanta ka soo baxay maxkamadda ayaa loo arkaa mid caqabad ku ah xisbiga BJP ee Ra’iisul Wasaare Narendra Modi.
Xisbigan ayaa nidaamkan oo la soo saaray sanadkii 2017-kii ka helayay faaiidada dhaqaale ee ugu badan.
Hasa ahaate waxaa ka soo horjeestay xubnaha mucaaradka iyo ururrada rayidka .
Dhinacyadan ayaa ku dooday in hannaankan uu dadweynaha ka hor istaagaya inay adeegsadaan xaqa ay u leeyihiin ogaanshaha cidda maalgelisay xisbiyada siyaasadeed.
Waxaa doodda mucaaradka iyo ururrada bulshada ee India ku qancay oo nidaamkan meesha ka saaray guddi garsoorayaal oo ka kooban shan xubnood oo uu hoggaaminayay madaxa cadaaladda ee India garsoore Dhananjaya Yeshwant Chandrachud.