Maxkamadda ugu sarreysa ee UK oo laashay qorsho dhanka soo galootiga ah

0
281

Maxkamadda ugu sarreysa ee boqortooyada Ingiriiska ayaa laashay qorsho ay dowladda dalkaasi ku doonaysay inay dadka soo galootiga ee magan galyo doonka ah ugu wareejiso Rwanda.
Maxkamadda ayaa qorshahan ku tilmaantay mid sharci darro ah.
Waxay cuskatay in Rwanda aynan ahayn dal saddexaad oo lagu wareejin karo dadkan marka la eego badqabka .
Hasa ahaate dowladda Rwanda ayaa bayaan ay soo saartay go’aankan ka dib waxay cabasho uga muujisay in su’aal la geliyay badqabkeeda.