Maxkamadda Supreme Court oo shaacisay tilmaamaha dhageysiga dacwadaha madaxtinimo

0
473

Maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court ayaa soo saartay tilmaamo ay doonaysa inay adeegsadaan garsoorayaasha dhageysanaya dacwadaha ka dhasho loolanka madaxtinnimo ee bisha Siddeedaad haddii ay dantu keento.
Madaxa cadaaladda dalka Martha Koome ayaa arrimahan shaaca uga qaaday wargeyska rasmiga ee dowladda .
Qodobbada waxaa ka mid ah in qareennada iyo shakhsiyaadka ay matali doonaan aan loo oggolayn inay ka faallodaan saameynta iyo sida ay ku dambeyn karaan kiisaska ilaa iyo inta go’aan kama dambeys ah ay maxkamaddu ka soo saarayso.
Martha Koome ayaa sheegtay in cidii aan arrintan ilaalin ay ka dhigan tahay inay dafirtay amar maxkamadeed.
Bishii Saddexaad ee sanadkan ayay ahayd markii Koome ay walaac ka muujisay in qaar ka mid ah qareennada dalka ay racfaankii la xiriiray qorshihii sharci beddelka ee BBI ay ku falanqeeyeen baraha ay bulshada ku wada xiriirto.
Dacwadaasi ayaa xilligaasi hor taallay 7-da garsoore ee maxkamadda ugu sarreysa dalka.
Madaxa cadaaladda Kenya ayaa xilligaasi sheegtay in faallada kiisaska ee dhanka baraha bulshada looga gol-lahaa in lagu cabsi geliyo ama la saameeyo go’aannada xaakinnada.
Farqada 140 ee dastuurka dalka ayaa qofka aan ku qancin natiijada doorashada madaxtinimo fursad u siinaya inuu muddo toddobo cisho gudahooda ka dib markii natiijada lagu dhawaaqo uu maxkamadda dacwad geeyo.
Maxkamadda ugu sarreysa dalka ee Supreme Court ayaa sharci ahaan haysata muddo 14 cisho oo ay ku dhagaysanaysa oo ay ku go’aamin karto dacwadaha iyadoo go’aanka ka soo baxo uu kama dambeys yahay.