Maxkamadda shaqaalaha oo hor istaagtay shaqo joojinta dhakhaatiirta

0
161

Maxkamadda shaqada iyo shaqaalaha ee dalka ayaa ururka dhakhaatiirta wadanka ee KMPDU ka hor istaagtay inay ku dhaqaaqaan shaqo joojin uu qorshuhu ahaa in ay maanta billaabato.
Tani ayaa timid ka dib markii ay soo idlaatay wargelinta muddo 7 cishe ah oo ay horay u soo saareen.
Garsoore Byram Ongaya ayaa soo saaray amarka lagu hakinaya shaqo joojinta qaran ee dhakhaatiirta wuxuuna ka falcelinayay dacwad lagu tilmaamay mid degdeg ah oo ay gudbisay shirkadda bixisa adeegyada sharciga ee James Kounah Advocate.
Waxaa maxkamadda dacwadda u gudbiyay maamulka isbitaalka qaran ee Kenyatta National Hospital (KNH) .
Hasa ahaate ururka dhakhaatiirta dalka ee KMPDU ayaa weli ku adkeysanaya inay ku dhaqaaqayaan shaqo joojintii ay horay u shaaciyeen.
Xoghayaha Guud ee ururka dhakhaatiirta dalka ee KMPDU Dr.Davji Atellah ayaa sheegay in wada hadalladii kala dhexeeyay wasaaradda caafimaadka aynan noqon kuwo miro-dhal ah .
Waxay dalbanayaan in dhakhaatiirta dallacsiin loo sameeyo sidoo kalena la howlgeliyo ugu yaraan 3,000 oo ah arday bartay culuunta caafimaadka kuwaasoo maray tijaabo shaqo.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa dhankeeda sheegaysa in aynan haysan miisaaniyad ay dalabaadkan ku fulin karto.