Maxkamadda shaqalaha iyo shaqaaleysiinta dalka laanteeda magaalada Nyeri ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo barasaabka ismaamulka Embu Martin Wambora iyo saddex mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka dowlad deegaankaasi.
Garsooraha maxkamadda shaqaalaha ee Nyeri John Marete ayaa amray in la soo xiro guddoomiyaha Embu Martin Wambora, xoghayaha ismaamulkaasi Jason Nyaga, wasiirka maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaale ee dowlad deegaankaasi John Njagi iyo sarkaalka waaxdaasi ugu sarreeysa oo lagu magacaabo Ruth Ndirangu, kuwaas oo ku guuldareystay inay maxkamadda kasoo hormuuqdaan.
Amarka lagu soo xirayo guddoomiyaha ismaamulka Embu iyo mas’uuliyiinta kale ayaa imaanaya ka dib markii 10-kii bishan ay ku guuldareysteen inay maxkamadda kasoo hormuuqdaaan si ay u faahfaahiyaan sababta aynan ugu hoggaansamin amar maxkamadeed oo la soo saaray horraantii bishii 12-aad ee sanadkii 2020-ka.
Waxaa uu amarkaasi dhigayay inay bixiyaan lacago lagu wareejinayo ururka ay ku mideysan yihiin shaqaalaha dowlad deegaannada wadanka.
Garsoore John Njagi Marete ayaa taliyaha saldhigga booliska ee magaalada Nyeri ku amray inuu Wambora iyo saraakiisha kale uu soo xiro.
Waxaa mar kale kiiskan la soo hadal qaadi doonaa 17-ka bishan ee ku beegan maalin Khamiis ah.
Home Wararka Kenya Maxkamadda shaqaalaha ee Nyeri oo soo saartay amar lagu soo xirayo guddoomiyaha...