Maxkamadda Senegal oo laashay go’aan dib loogu dhigay doorashada

0
196

Maxkamadda ugu sarreysa ee dalka Senegal ayaa waxba kama jiraan ka soo qaadday go’aankii ay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Macky Sall dib ugu dhigtay xilliga ay qabsoomaysa doorashada guud.
Codeynta oo lagu waday in ay dhacdo 25-ka bishan Labaad ayaa dib loo sii dhigay ilaa bisha 12-aad ee sanadkan.
Hasa ahaate waxaa go’aankaasi daaqadda ka tuuray golaha dastuuriga ah oo ku tilmaamay mid baal marsan xeerarka wadankaasi.
Horraantii bishan ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Senegal Macky Sall uu digreetadan saxiixay.
Wakaaladda wararka ee AP ayaa ku warramaysa inay heshay go’aanka uu arrinkan ka qaatay guddi ka kooban 7 garsoorayaal ah.
5-tii bishan ayay ahayd markii golaha qaran ee xeer dejinta ee Senegal uu ansixiyay in doorashada madaxtinnimo ay qabsoonto 15-ka bisha Diseembar ee sanadkan taasi oo ay maxkamadda sidoo kale burisay.
Golaha dastuuriga ayaa sheegay in ay qasab tahay in la ilaaliyo muddada madaxweynaha oo shan sano ah.
Waxaa go’aanka maxkamadda soo dhaweeyay garabka mucaaradka ee dalka Senegal.