Maxkamadda sare oo xannibtay hantida sarkaal u shaqeeya wasaaradda dhulalka

0
301

Maxkamadda sare ee dalka ayaa soo saartay amar lagu xannibaya hanti dhan 1.2 bilyan oo shilin oo uu leeyahay Nicholas Owino Ochieno.
Sarkaalkan ayaa ah agaasime ku xigeen sare oo ka tirsan wasaaradda dhulalka ee dalka.
Go’aanka maxkamadda ayaa yimid ka dib markii guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC uu gudbiyay dacwad uu ku doonayo in loo oggolaado xannibaadda hantidan.
EACC ayaa rumeysan in Owino uu hantidan ku helay qaab sharci darro ah ka dib markii uu qandaraasyo siiyay shirkado gaar ah taasoo ay ka wada macaasheen.
Sida laga soo xigtay EACC waxaa uu dembigan gaystay intii u dhexeysay bishii koowaad ee sanadkii 2003 ilaa bishii 11-aad ee 2018-kii.
Nicholas Owino Ochieno ayaa wasaaradda dhulalka laga shaqaaleysiiyay sanadkii 1996 wuxuuna soo qabtay xilal kala duwan.
Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa intaasi ku daray in Owino uu lacag dhan 694,670,000 ku iibsaday dhulal.
Waxaa uu sidoo kale ku eedeysan yahay inuu akoonnadiisa bangiyeed iyo adeegga lacagaha la isugu diro ee M-pesa ku keydsaday 497,393,274 oo shilin.
Owino ayaa loo haystaa in hantida uu qaab sharci darro ah ku helay uu ku iibsaday saddex ka mid ah baabuurta qaaliga ah.
Sida ku cad dokumeentiga guddiga EACC , si aan looga shakin waxaa uu Ochieno adeegsaday xaaskiisa iyo walaalkiisa oo lagu kala magacaabo Terry Muthoni Maina iyo Richard Omondi Ochiel oo lacagaha gacanta ku dhigayay oo u keydinayay.
Maxkamadda ayaa sheegtay in hantida tuhmanaha ay sii xannibnaan doonto ilaa iyo inta laga soo gabagabeynaya dacwadda la geeyay.
Waxaa uu qorshuhu yahay in maxkamadda ay kiiskan mar kale soo hadal qaado 11-ka bisha soo socoto.