Axmad Rashid oo ah askari ka tirsan ciidanka booliiska dalka, islamarkaana sanadkii 2017-kii laga soo duubay muuqaal hadal hayn badan dhaliyay oo laga arkayay isagoo maalin cad bartamaha xaafadda Islii ee deegaanka Kamkunji magaalada Nairobi toogasho ku fulinaya labo dhallinyaro ah kuwaas oo la sheegay in looga shakiyay inay burcad ahaayeen.
Waxaa uu hadda wajahaya dacwado dil ku saabsan.
Xilligii uu dilalkan fuliyay, Axmad Rashiid ayaa hoggaaminayay qaybta sida aadka ah looga cabsado ee booliiska ee Pangani Six loo yaqaano, kuwaas oo ka howlgala xaafadaha Islii iyo Mathare.
Waxaa saraakiishan lala xiriiriyay tiro dilal ah oo sharciga ka baxsan kuwaas oo aagaas ka dhacay xilliyo kala duwan.
Maxkamadda sare ee Milimani ee magaalada Nairobi ayaa sarkaalka hadda looga yeeray si wax looga waydiiyo eedeymaha dilka la xiriira ee loo soo jeediyay, ka dib baaritaanno uu sameeyay maamulka madaxa bannaan ee kormeera howlaha booliska ee IPOA.
Guddoomiyaha IPOA ,Anne Makori ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay soo gabagabeeyeen baaritaannada dhimashadii Jamaal Maxamad iyo Maxamad Daahir Kheyri, ka dib toogasho ka dhacday xaafadda Islii ee deegaanka Kamkunji 31-dii bishii Saddexaad ee sanadkii 2017-kii, waxayna caddeeyeen in dhimashadaasi ay ka dhalatay tallaabo ay booliiska qaadeen.
Waxaa ay intaasi ku dartay in iyadoo la raacayo qaybta 29 A ee xeerka IPOA natiijadii baaritaanka loo gudbiyay agaasimaha xeer ilaalinta laguna soo jeediyay in loo yeero Axmad Rashiid oo dacwad dil ah lagu soo oogay.
Mrs. Makori ayaa xustay in maamulka ay hoggaamiso ee IPOA ay soo aruuriyeen caddeymo ku filan oo loo adeegsan karo in dacwad dil ah lagu soo oogo Axmad Rashiid ka dib baaritaan dheer oo ay ku sameeyeen dilka labada dhallinyarada ah.
Dacwadda kiiskan ayaa la dhageysan doona 8-da bisha 12-aad ee sanadkan.
Ahmed Rashid of the Pangani Six Killer squad to stand trial for the execution of two young men in Eastleigh on March 31, 2017. @IPOA_KE has announced after the @ODPP_KE concurred with its recommendations for a murder charge. pic.twitter.com/iVKmFkQI7p
— Brian Obuya (@ItsBrianObuya) November 24, 2022
Police Officer Ordered To Appear In Court Over Two Killings in Pangani, Nairobi https://t.co/PqaffDbxBg
— IPOA (@IPOA_KE) November 24, 2022
https://t.co/VX5U7CpZc2 pic.twitter.com/PfzEbBE0VB
— IPOA (@IPOA_KE) November 24, 2022