Maxkamadda Sare oo soo saartay amar ka dhan ah dawcad laga gudbiyay madaxweynaha

0
561

Maxkamadda sare ayaa 24-ka bishan dhageysan doonta codsi lagu doonayo in lagu joojiyo qorshaha lagu dhisayo Kaniisad ay ku bexeyso lacag dhan 1.2 bilyan oo laga dhisayo Aqalka madaxtooyada.
Isagoo caddaynaya codsi uu soo gudbiyay qareen Levy Munyeri, Garsoore Lawrence Mugambi ayaa waxaa uu faray in codsiga si shakhsiyan ah loogu xareeyo saddex maalmood gudahooda iyo jawaabaha toddobo maalmood gudahood.
Codsiga uu maxkamadda u soo bandhigay Munyeri, ayaa doonaya amar ah in si degdeg ah loo joojiyo layliga lagu dhisaayo kaniisadda.
Iyadoo la raacayo awaamiirta, Munyeri ayaa kalsooni ka muujiyay in maxkamadda ay cadaalad u samayn doonto kuwa ka soo horjeeda layliga.
Qareenka ayaa ku dooday in howsha uu wado Madaxweynaha ay tahay mid xadgudub ku ah Dastuurka, sidaas darteedna ay tahay mid qarsoodi ah.
Intaa waxaa dheer, Munyeri ayaa waxaa uu maxkamadda u sheegay in inkastoo Aqalka Madaxtooyada uu yahay hanti dadweyne, haddana aan si habboon looga qaybgelin dadweynaha, iyadoo baarlamaanka uu hareer maray go’aanka.
Waxaa uu ka codsaday maxkamadda inay soo saarto amarrada ilaalinta, joojinta dhismaha. Sida ku cad codsiga ay warbaahinta aragtay, dhismaha kaniisada ayaa haatan socdaa sida ku cad sawirada dayax-gacmeedka.
Senetarka Busia Okiya Omtatah ayaa Isniintii madaxweyne Ruto ku canaantay qorshaha dhismaha kaniisadda.
Warqad furan oo uu u diray madaxweynaha, Omatata ayaa waxaa uu ku adkaystay in dhismaha la qorsheeyay uu yahay isku day loogu xad gudbaayo Dastuurka iyadoo la isku dayaayo in dalka laga dhigo mid masiixiyad ah.
Si kastaba ha ahaatee, marka laga yimaado arrimahaasi, Madaxweyne William Ruto ayaa marar kala duwan ku adkeystay in dhismaha uu u socon doono sidii loogu talagalay, isla markaana cid aysan ka hor istaagi doonin.