Maxkamadda sare oo laashay dacwad uu gudbiyay Sonko

0
448

Maxkamadda sare ee dalka ayaa dhinac iskaga dhigtay kiis uu geeyay barasaabkii hore ee ismaamulka Nairobi Mike Sonko oo uu uga cabanayay guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee (IEBC) Wafula Chebukati.
Waxaa uu doonayay in Chebukati lagula xisaabtamo inuu dafiray amar maxkamadeed oo ahaa in Sonko loo oggolaado u tartamidda xilka guddoomiyaha ee ismaamulka Mombasa.
Hasa ahaate maxkamadda sare ee dalka laanteeda Mombasa ayaa caddeysay in maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court ay horay u go’aamisay inuu sharci ahaa qaabkii Sonko xilka looga xayuubiyay bishii Diseembar ee sanadkii 2020-kii.
Tallaabadaasi oo ay qaadeen wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Nairobi oo barasaabka ku eedeyay maamul xumo ayaa waxaa ayiday aqalka sare.