Maxkamadda sare ee dalka ayaa dhinac iskaga dhigtay dacwad su’aal lagu geliyay shahaadada jaamacadeed ee senatarka ismaamulka Nairobi , Johnson Sakaja oo u tartamaya xilka barasaabnimo ee caasimadda dalka.
Garsoore Anthony Mrima ayaa sheegay in aan loo soo bandhigin caddeyn wax ku ool ah oo arrintan ku aaddan.
Waxaa uu xusay in guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC uunan ku qaldamin ansaxinta Sakaja.
Garsoore Mrima ayaa hoosta ka xarriiqay in cid kasta oo maxkamadda kiis gaysa laga doonayo inay caddeyn soo bandhigto.
Shakhsi lagu magacaabo Denis Wahome ayaa dacwadda maxkamadda u gudbiyay wuxuuna doonayay in guddiga IEBC si ku meel gaar ah looga hor istaago ansaxinta Johnson Sakaja.
Waxaa uu ku doodayay in shahaadada uu siyaasigan ka qaatay jaamacadda Team ee dalka Uganda aynan sax ahayn taasoo waxba kama jiraan laga soo qaaday.