Maxkamadda sare ee dalka ayaa dhinac iskaga dhigtay dacwad laga gudbiyay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Mr.Kipchumba Murkomen.
Waxaa kiiskan maxkamadda geeyay ururka Gema Watho Association.
Ururkan ayaa doonayay in maxkamadda ay ku dhawaaqdo in wasiirka uunan u qalmin inuu sii haya xafiiska sidoo kalena lagu amro inuu ka laabto amarkii uu siiyay booliiska ee ahaa in ay toogtaan cid kasta oo soo weerarta saraakiisha iyo saldhigyada.
Waxay wasiir Murkomen ku eedeeyeen inuu ku xadgudbay dastuurka dalka hadalkiisana uu taageeraya in saraakiisha ammaanka aan loo qaban khaladaadkooda.
Waxaa dacwaddan wasiirka arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Mr. Kipchumba Murkomen ku matalayay qareen lagu magacaabo Cecil Miller .
Maxkamadda ayaa amar ku bixisay in garsoore Bahati Mwamuye uu mar kale dacwaddan soo qaado 27-ka bisha Tobnaad ee sanadkan.