Maxkamadda sare ee dalka ayaa dhinac iskaga dhigtay dacwad uu gudbiyay ururka qareennada wadanka ee LSK oo looga soo horjeeday tallaabooyinka eedeysanayaasha lagu xiro Jimcada si Isniinta maxkamadda loo soo taago.
Garsooraha maxkamadda sare Lawrence Mugambi ayaa sheegay in aan lala wadaagin caddeymo lagu qanci karo.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in LSK ay si guud eedeymo ugu jeedinaysay dowladda balse aynan caddeyn qaabka ay ciidamada booliiska iyo waaxda dacwad oogidda si khaldan ugu adeegsanayaan awoodooda.