Maxkamadda sare oo kordhisay muddada amarkii ka dhanka ahaa in lacagaha dugsiyada lagu bixiyo e-Citizen

0
225

Maxkamadda sare ee dalka ayaa sii kordhisay muddada dowladda dhexe looga hor istaagay ku tallaaba qaadka qorshaha lacagaha dugsiyada ee fiiska lagu bixinaya barta casriga ee eCitizen.
Arbacadii hore ayay ahayd markii garsooraha maxkamadda Milimani , Chacha Mwita uu tixgeliyay dacwad uu gudbiyay dhakhtar ka howlgalo ismaamulka Nakuru oo lagu magacaabo Dr.Magare Gikenyi .
Waxaa uu xilligaasi garsoore Mwita hakiyay dhaqangelinta wareegto uu 31-dii bishii hore soo saaray xoghayaha joogtada ah ee waaxda tacliinta aasaasiga ee dalka Dr. Belio Kipsang taasoo oo waalidiinta iyo dadka carruurta mas’uulka ka ah looga dalbanayay inay lacagaha ardayda laga qaado ku bixiyaan hannaanka dhijitaalka ee laga helo adeegyada dowladda ee eCitizen.
Kipsang ayaa wareegtada ku xusay in maamulayaasha dugsiyada ay haystaan ilaa 6-dii bishan si ay macluumaadka akoonnada dugsiyadooda ula wadaagaan xafiiska agaasimaha guud ee waaxda tacliinta aasaasiga.
Waxaa uu go’aankaasi u aaneeyay in lagula dagaallamaya musuqmaasuqa si maamulayaasha dugsiyada lagula xisaabtamo maareynta lacagaha.
Hasa ahaate garsoore Chacha Mwita oo maanta amar dheeraad ah bixiyay ayaa sheegay in go’aankan uunan dhaawac ku ahayn dowladda.
Waxaa dacwaddan ku biiray ururka qareennada dalka ee (LSK) iyo ururka macallimiinta dugsiyada sare ee (KUPPET) .
KUPPET ayaa wasaaradda tacliinta ku dhaliishay in qorshahan aynan ka qayb gelin dadweynaha iyo daneeyayaasha arrimaha waxbarashada.
Waxaa uu qorshuhu yahay in maxkamadda ay dacwadda arrinkan ku aaddan ee loo gudbiyay dhageysato 17-ka bisha Afaraad ee sanadkan.