Maxkamadda sare ee dalka ayaa caddeysay in Joseph Irungu oo loo yaqaano Jowie uu ka dambeeyay falkii lagu dilay Monica Kimani.
Garsoore Grace Nzioka ayaa hoosta ka xarriiqday in Jowie uu aqoon u lahaa Monica taasina uu ka been sheegay.
Xaakinka ayaa intaasi ku dartay in eedeysanaha iyo gabadha la dilay ay wada dhiganayeen hal fasal machadka farsamada ee dalka ee Kenya Polytechnic.
Maxkamadda sare ayaa intaasi ku dartay in ninkan uu guriga Monica Kimani ku sugnaa maalinkii la dilayay.
Waxaa uu gurigaasi tagay isagoo adeegsanaya aqoonsiga qaran ee qof kale.
Garsoore Grace Nzioka ayaa sheegtay in lala wadaagay caddeyn ku filan oo muujinaysa in Jowie uu ahaa qofkii ugu dambeeyay ee la arkay isagoo Monica kula sugan gurigeeda xaafadda Lamuria Gardens .
Waxaa uu qorshuhu yahay in Jowie xukun lagu rido 8-da bisha Saddexaad ee sanadkan.
Garsoore Grace Nzioka ayaa sidoo kale waxba kama jiraan ka soo qaaday damaanad uu bannaanka ku joogay waxaana dib loogu celiyay xabsiga ka hor inta aan la xukumin.
Sidoo kale waxay maxkamaddu sheegtay in eedeysanaha labaad ee kiiskan Jacque Maribe aynan si sax ah uga warbixin dhacdo toogasho ah oo laga soo tabiyay gurigeeda.
Sanadkii 2018-kii ayay ahayd markii Jowie iyo Jacque Maribe maxkamad loo soo taagay dilkii Monica Kimani oo xilligaasi dhacay.
Hasa ahaate eedeysanaha labaad , Maribe ayaa lagu waayay wax dembi ah oo la xiriira dilkii Monica Kimani.
Garsooraha ayaa sheegtay in waaxda dacwad oogidda dalka aynan soo bandhigin caddeymo wax ku ool ah oo Maribe lagula xiriirin karo dilkii dhacay 19-kii bishii Sagaalaad ee 2018.
Sidaasi awgeed Maribe ayaa xurriyadeeda dib u heshay.