Garsoorayaasha maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court ayaa dhaqangeliyay go’aankii ay maxkamadaasi kaga mamnuuceen garyaqaan sare Axmadnaasir Cabdullaahi iyo shirkadiisa bixisa adeegyada sharciga.
Waxaa ay garsoorayaasha maxkamadda sare maanta hor istaageen dhageysiga dacwad uu qareenkan horgeeyay maxkamadda.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii qareenka laga mamnuucay maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court ka dib markii lagu eedeeyay inuu baraha bulshada iyo warbaahinnada ku dhaleeceeyo waaxda cadaaladda .
Home Wararka Kenya Maxkamadda sare oo hor istaagtay inay dhageysto dacwad uu soo gudbiyay garyaqaan...