Maxkamadda sare oo hor istaagtay in la xiro 11 ka mid ah siyaasiyiinta Azimio

0
302

Maxkamadda sare ee dalka laanteeda ismaamulka Mombasa ayaa soo saartay amar ciidamada booliiska ka hor istaagaya inay xabsiga u taxaabaan 11 ka mid ah siyaasiyiinta isbeheysiga mucaaradka ee Azimio ee ka soo jeeda dowlad deegaanka Kilifi.
Tani ayaa timid ka dib markii ay madaxdan codsi u gudbiyeen maxkamadda iyagoo ku andacoonaya inay ka war heleen qorsho lagu xiraya si aynan ugu dhiirran inay dowladda mucaaradaan.
Hoggaamiyaashan oo uu hor kacaya senatarka ismaamulka Kilifi ,Steward Madzayo ayaa sheegay in maalmihii ugu dambeeyay gacanta lagu dhigay oo dacwado lagu soo oogay qaar ka mid ah xubnaha mucaaradka.
Qareenka matalaya siyaasiyiintan, Danstan Omari ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay booliiska kala shaqeeyaan baaritaannada balse ay qabaan walaac ah in si aan kala sooc lahayn xabsiyada loo dhigo.