Maxkamadda sare oo hor istaagtay in booliiska Kenya la geeyo Haiti

0
306

Maxkamadda sare ee dalka ayaa wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ka hor istaagtay dhaqangelinta qorshaha la doonaya in 1,000 ka mid ah ciidamada booliiska ee wadanka lagu geeyo dalka Haiti si ay qayb uga noqdaan howlgal ballaaran oo nabad sugid ah.
Garsooraha maxkamadda Milimani ee ismaamulka Nairobi Chacha Mwita ayaa si ku meel gaar ah u hakiyay qorshaha dowladda Kenya.
Waxaa uu dhanka kale baarlamaanka u diiday inuu arrinkan tixgeliyo ilaa iyo inta ay maxkamadda go’aan dheeraad ah ka soo saareysa 24-ka bishan Tobnaad.
Garsoore Mwita ayaa dacwad uu gudbiyay xisbiga Thirdway Alliance ku tilmaamay mid degdeg ag.
Waxaa uu sheegay in dacwadda ay taabanaysa arrimo qaran oo muhiim ah iyo danta guud.
Sidoo kale maxkamadda ayaa wasiirka arrimaha gudaha ku amartay inuu dacwaddan uga soo jawaabo saddex cishe gudaheeda.
Madaxa xisbiga Thirdway Alliance Dr. Ekuru Aukot ayaa maxkamadda u sheegay in qorshaha qaar ka mid ah ciidamada booliiska ee dalka lagu geynaya Haiti si ay ula dagaallamaan kooxo hubeysan uu yahay mid sharci darro ah.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo uu shalay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Prof. Kithure Kindiki uu sheegay inay baarlamaanka u gudbin doonaan qorshahan si uu u meel mariyo ama uga soo horjeesto.
Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa horay u ansixiyay qaraar uu tirsigiisu ahaa 2699 (2023) oo ku aaddan in la soo dhiso howlgal nabad sugid oo taageeraya dowladda Haiti si wadankaasi loogu soo dabbaalo xasilooni buuxda.
Haiti ayay rabshado ka taagnaayeen tan iyo bishii Toddobaad ee sanadkii 2021-kii xilligaasi oo la dilay madaxweynihii wadankaasi Jovenel Moïse.