Maxkamadda sare ee dalka ayaa hakisay go’aankii ay senatarrada aqalka sare ee waddanka ku ayideen mooshinkii xilka looga qaaday madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya Rigathi Gachagua.
Waxaa go’aankan soo saaray garsooraha maxkamadda sare ee dalka Chacha Mwita.
Garsooraha ayaa go’aankan u cuskaday in dacwadda ay soo gudbiyeen qareennada matalaya Gachagua ay ku jiraan qodobbo dasturi ah iyo danaha dadweynaha.
Waxaa uu garsoore Chacha Mwita sidoo kale soo saaray amar si ku meel gaar ah lagu joojinaya fulinta eedeymihii xilka looga qaaday Gachagua iyo magacaabista madaxweyne ku xigeenka cusub ee dalka ilaa 24-ka bishan oo dacwaddan la soo hadal qaadi doona.
Tani ayaa ku soo aadeysa ka dib markii maxkamadda sare ee dalka loo gudbiyay codsi lagu doonayay in golaha qaran xeer dejinta laga hor istaago ansixinta magacaabista madaxweyne ku xigeenka cusub ee dalka Prof. Kithure Kindiki.
Qareennada Gachagua ayaa ku dooday in aqalka sare uu si sharci darro ah u ayiday go’aankii xildhibaannada baarlamaanka xilka uga xayuubiyeen madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka.