Maxkamadda sare oo hakisay howlaha guddi loo saaray arrimaha Shakahola

0
362

Maxkamadda sare ee dalka ayaa soo saartay amar ay ku hakinaysa in lagu tallaaba qaado go’aankii uu madaxweynaha dalka William Ruto ku soo magacaabay guddi xaqiiqo raadis ah oo baaritaano ku sameynaya meydad lagu arkay keynta Shakahola ee ismaamulka Kilifi.
Amarkan ayaa sii shaqeyn doono ilaa iyo inta laga soo gabagabeynaya dhageysiga sidoo kalena go’aan kama dambeys ah ay maxkamadda uga soo saareysa dacwad uu gudbiyay isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja- One Kenya
Garsoore Lawrence Mugambi ayaa sidoo kale amar ku bixiyay in aan la uruurin karin caddeymo ku saabsan sababaha keenay dilalka laga gaystay keyntaasi.
Guddiga uu madaxweynaha magacaabay ee hadda howlihiisa la hor istaagay ayaa waxaa guddoominaysa garsoore Jessie Lesiit.
Dhanka kale waxaa baaritaano lagu sameeyay 22 ka mid ah dadka meydadkooda laga helay keynta Shakahola.
Sarkaalka ugu sarreeya ee dowladda u qaabilsan baaritaannada meydadka Dr.Johansen Oduor ayaa sheegay in aan la ogaan sababaha rasmiga ee dadkan ay u geeriyoodeen maadaama meydadka ay aad u go’goeen.
Odour ayaa sheegay in ilaa iyo hadda ay baaritaano ku sameeyeen 79 meydad ah.