Maxkamadda sare ee dalka ayaa hakisay dhaqangelinta heshiis caafimaad oo ay dhawaan wada saxiixdeen dowladaha Kenya iyo Maraykanka .
Barnaamijkan oo ku kacaya ilaa 1.6 bilyan oo doollar ayaa waxaa dacwad ka gudbiyey xiriirka macaamiisha ee Kenya ee (COFEK) iyo senatarka ismaamulka Busia Okiya Omtatah.
Waxay ku doodayaan in is-afgaradkan uu horseedaya in la bixiyo macluumaadka caafimaad ee shakhsiyeed sidoo kalena aan dadweynaha lagala tashan.
Go’aan ku meel gaar ah oo uu soo saaray garsoore Bahati Mwamuye ayaa xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee dalka , aqalka sare iyo waaxyo kale ka hor istaagaya in ay qaadaan tallaabooyin lagu dhaqangelinaya heshiiska.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo madaxweynaha dalka Dr. William Ruto uu difaacay is-afgaradkan isagoo caddeeyay in xogta kenyaanka aan cidna lala wadaagayn.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ay jiraan hay’ado dhibsaday in dowladda Maraykanka ay go’aansatay in ay dhaqaalaha si toos ah ugu wareejiso dowladaha ay Kenya ka mid tahay iyadoo aan hay’ad kale loo soo marin.




