Maxkamadda sare oo hakisay adeegsiga sanduuqa caymiska caafimaadka bulshada

0
294

Maxkamadda sare ee dalka ayaa soo saartay amar lagu hakiyay dhaqangelinta sanduuqa caymiska caafimaadka bulshada.
Tani ayaa imaanaysa wax ka yar toddobaad markii ay arrinkan wargeyska rasmiga ee dowladda ay ku shaacisay wasiiradda wasaaradda caafimaadka ee dalka Susan Nakhumicha.
Sidoo kale waxay maxkamaddu hor istaagtay adeegsiga xeerka caafimaadka aasaasiga ee sanadkan iyo xeerka caafimaadka casriga .
Arrimahan ayaa laga gudbi doonaa marka ay maxkamaddu soo gabagabeyso dacwad xeerarkan looga soo horjeedo oo loo gudbiyay.
Waxaa dacwadda maxkamadda geeyay ururka dhakhaatiirta dalka ee (KMPDU) oo horay hanjabaad u soo saaray.
KMPDU ayaa ku doodaysa in arrinkan lagu tallaabo qaaday iyadoo aan lagala tashan daneeyayaasha kala duwan ee dhanka caafimaadka iyo daryeelka bulshada.