Maxkamadda sare oo guddiga IEBC u gudbisay talooyin dhowr ah

0
223

Maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court ayaa guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC la wadaagtay talooyinkeeda ku saabsan sidii loo xallin lahaa qaladaadka dhanka codeynta ka hor doorashooyinka dambe.
Waxaa ay soo jeedisay maxkamadda talooyin ku aaddan go’aan buuxo oo la xiriira codsiga doorashooyinka madaxweynaha ee ay gudbiyeen isbeheysiga Azimio.
Kiisaska doorashada oo ahaa 8 codsi oo kala duwan ayaa maxkamadda loo gudbiyay waxaaana ku jiray dadka gudbiyay 11 qof ,3 hay’adood oo dhanka sharciga ah oo uu hoggaaminayo ururka qareenada dalka LSK.
Go’aanka dacwadda xilka madaxweynaha oo faahfaahsan ayay maxkamadda shalay soo saartay, waxayna xustay inay garsoorayaasha ogaadeen cilladaha hay’adaha oo wiiqay shaqada ugu wanaagsan ee guddiga oo u baahan dib u habeyn degdeg ah.
1.Maxkamadda ayaa soo jeedisay in baarlamaanka uu yeesho fadhi ku saabsan xoojinta nidaamyada maamulka iyo sharciyada guddiga doorashooyinka ee IEBC.
2.Guddiga IEBC ayaa laga doonaya inuu dhaqangeliyo tilmaamooyinka si cad u kala saaraya oo qeexaya waajibaadka dhanka kormeerka ee guddoomiyaha iyo saraakiisha sar sare si looga baaqsado khilaaf la xiriira maamulka.
3.Sidoo kale waxaa in la caddeeyo doorarka guddoomiyaha IEBC, saraakiisha sar sare , madaxa fulinta , shaqaalaha iyo dhinacyada kale ee ku saabsan tiknolojiyadda doorashada iyadoo arrimahan lagu dabaqayo sharciga.
4.Maxkamadda ayaa sidoo kale ku talisay in si looga hortaggo inuu tuhun ku dhasho daneeyayaasha kale in keydinta iyo gudbinta foomamka natiijooyinka ee 34A, 34B iyo 34C kaliya loo oggolaado shaqaalaha IEBC inta lagu guda jiro doorashada.
5.IEBC waa inay xaqiijiso inay kala duwan yihiin hannaanka lagu taageerayo doorashada iyo kuwa maamulka gudaha ee gaarka u ah .
6. IEBC waxay ka baarandegi kartaa inay fududeyso oo ay dib u habeyn ku sameyso foomka natiijada ee 34A oo ay ku kordhiso meel loogu tala galay codadka aan saxda ahayn ee aan la xisaabinayn iyo hal qayb oo ay ku idil yihiin codadka saxda ah, sidoo kale maxkamadda ayaa guddiga IEBC u soo jeedisay inuu saraakiisha u qaabilsan maareynta doorashada la siiyo tababar ku saabsan waxa loola jeedo codadka saxda ah.
7. IEBC ayaa sidoo kale lagula taliyay in laga doonayo inay diyaariso siyaabo fududeynaya codbixin gaar ah sida ku qeexan xeerarka doorashooyinka ee sanadkii 2012-kii.