Maxkamadda sare oo diiday in dacwadaha afduubka dalka loo gudbiyo ICC

0
408

Maxkamadda sare ayaa diiday in dacwadaha la xiriira afduubka iyo waayitaanka dadka ee ka dhacay dalka ay u gudbiso maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada (ICC), iyadoo go’aamisay in hay’adaha qaranka ay weli awood u leeyihiin inay maareeyaan arrimahan.
Maxkamadda ayaa go’aamisay in kiisaska ku lug leh dhimashada ama dhaawaca ee ka dhashay falalka booliisks inta ay xabsiga ku jiraan dadka Kenyaanka oo ay fuliyaan saraakiisha shaqada ku jira, ay si gaar ah u hoos yimaadaan awoodda maamulka madaxa bannaan ee kormeerka booliiska ee (IPOA).
Maxkamadda ayaa ku nuuxnuuxsatay in aanay jirin hay’ad kale oo baaris ah ama hay’ad ka tirsan Adeegga Qaran ee Booliiska oo loo oggolaaday inay arrimahan qabato.
Go’aankeeda, maxkamadda ayaa waxaa ay farta ku fiiqday baaritaannada is-bar-bar socda ee ay wadaan booliiska iyo IPOA , kuwaas oo inta badan ka dhasha cadaalad-darro loo geysto dhibanayaasha iyo qoysaskooda.
Maxkamadda ayaa waxaa ay sidoo kale ogaatay in si baahsan oo nidaamsan ee dadka loo afduubto iyo dilalka ka dhaca dalka ay buuxinayaan heerka dambiyada ka dhanka ah aadanaha.
Iyadoo ay taasi jirto, maxkamadda ayaa diiday codsigii dacwoodayaasha ee ahaa in dacwadaha loo gudbiyo ICC, iyadoo sheegtay in nidaamyada qaran ee Kenya ay weli awood u leeyihiin inay arrimahan wax kaga qabtaan gudaha.
Garsoore Lawrence Mugambi ayaa uu arkay in aysan jirin cadeymo ku filan oo muujinaya in nidaamyada qaran ee Kenya ay ku guul dareysteen in ay si wax ku ool ah wax uga qabtaan walaacyadan. Waxaa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay in askarta booliiska aysan is baari karin kiisaska la xiriira dhimashada ama dhaawaca ku dhacay dadka ay gacanta ku hayaan.
Dacwoodayaasha oo ay matalayeen Dr. John Khaminwa iyo John Mwariri oo ka socda Kituo cha Sheria, ayaa tilmaamay in laga yaabo in ay racfaan ka qaataan qaybo ka mid ah go’aanka maxkamadda.