Maxkamadda sare oo berri go’aan ka soo saaraysa BBI

0
402

Maxkamadda sare ee dalka ayaa la filayaa in ay berri go’aan ka soo saarto dacwado la xiriira qorshaha sharci beddelka ee BBI.
Isbuucii hore ayay ahayd markii xildhibaanada baarlamaanka ay ansaxiyeen hindise sharciyeedkan halka senatarrada aqalka sare ay shalay qorshahan codkooda si aqlabiyad leh ay ugu taageereen.
51 ka mid ah senatarrada dalka ayaa u codeeyay hindisaha BBI ,12 ayaa ka soo horjeestay iyada oo hal senatar uu ka aamusay.
Bishii labaad ee sanadkan ayay maxkamadda sare guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudda ee IEBC ka hor istaagtay inuu qabto afti dastuuri ah.
Waxaa amarkaasi ku dhawaaqay guddi ka kooban 5 garsoorayaal oo uu hoggaaminayay Joel Ngugi.
Go’aanka maxkamadda ee ka dhanka ahaa IEBC ayaa lagu saleeyay in aan weli la soo gabagabeyn dacwado ay gudbiyeen golaha ismaamulka hoose ee Turkana, xisbiga Thirdway Alliance iyo 6 kale.