Maxkamadda sare oo ayiday guushii barasaabka Wajeer

0
435

Maxkamadda sare ee dalka ayaa ayiday tallaabadii 9-kii bishii Siddeedaad ee sanadkii hore lagu doortay barasaabka ismaamulka Wajeer Axmad Cabdullahi.
Waxay maxkamaddu dhinac iskaga dhigtay dacwad muddo soo jiitamaysay oo uu gudbiyay musharraxii xisbiga Jubilee Dr. Xassan Maxamad Aadan Fuuje.
Guddoomiyaha Wajeer ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku soo dhaweeyay go’aanka maxkamadda ka soo baxay.
Waxaa uu sheegay inay tahay fursad uu Alle uga mahadcelinaya si mar kale uu ugu adeego shacabka dowlad deegaankaasi.